Nin bambo watay oo qarxay
Shan ruux ayaa ku dhaawacantay qarax barqadii maanta ka dhacay agagaarka isbitaalka Madiino ee Magaalada Muqdisho, ka dib markii nin bambaanooyin watay ay kula qaraxdey meel u dhow Cisbitaal Madiino oo uu marayay.
Dadka dhaawacmay, ayaa isugu jirey rayid meesha ka agdhawaa iyo ninkii bambaanooyinka watay.
Wararka qaar ayaa sheegaya in bambada ay si qaldan u qaraxday markaasina ay sababtay qasaaraha soo gaarey dadkan.
Sarkaal ka tirsan Saraakiisha dowladda ee ku sugan Villa Baydhabo oo lagu magacaabo Sabriye Cabdulaahi Aadan ayaa sheegay in ninkan qaraxa uu watay, balse ay iskeed ugu qaraxday.
Kashife Online
