Daawo sawirada fanaaniin iyo abwaanno weyn oo Muqdisho ku noqday
Galinkii danbe ee maantay ayaa waxa garoonka diyaaradaha ee Magalada Muqdisho kasoo dagay Fanaaniin iyo Abwano isugu jira soomaali iyo Jabuutiyaan.
Abwaanada iyo Fanaaniinta ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ku soo Dhaweeyay Qaar kamid ah Abwaanadii iyo Fanaaniintii horay ugu sugnaa Muqdisho oo uu Horkacayay Maareeyaha xarunta murtida iyo madadaalada Natinal tiyaatar Abwaan Cabdi Dhuux.
Ugu horeen waxaa saxaafada la hadlay Abwaan Cabdi Dhuux asagoona Sheegay inuu aad ugu Faraxsanyahay Fanaaniinta iyo Abwaanada mantay Soogaray Muqdisho oo kamid ahaa Abwaan Maxamuud C/laahi Sangub.
Dhanka kale waxaa isna saxaafada lahad lay Maxamed Xasan Magil Caws oo ah Gudoomiyaha kooxda Fanaaniinta Deegaan ee ree Jabuuti,waxa uu na carabka kudhuftay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu yimaado magaalada Muqdisho ee Xarunta dalka Soomaaliya,Asagoona dhanka kale umahad celiayay M/weenaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Shikh Maxamuud.
Ugu danbeyntii waxa hadal kooban jeediyay Abwaan Maxamuud C/laahi Sangub Tibaaxayna in mudo farabadan ay ugu danbeesay Magalada tani Muqdisho sababaha uu uyimidna ay kamid tahay sidii ay usameyn lahaayeen Ruwaayado iyo Heeso ka turjumaya Xaaladihii ugu Danbeeyay ee Dalkeena Soomaaliya.
Fanaaniintaan iyo Abwanadaan isugu jira Soomaalida iyo Jabuutiyaankaan ayaa imaatinkooda Muqdisho waxa uu imaanayaa xili ififaalo Nabadeed oo weyn laga Dareemayo Muqdisho.
Source: Kulmiyenews.com
Kashife Online
