You Are Here: Home » English » Isbaheysiga Turxaanbixinta IFISO oo u Hambelyeynaya Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya, isla markaasna ka Baaraandegaya Caqabadaha Jira iyo Tallaabooyinka Horay loo Qaadayo

Isbaheysiga Turxaanbixinta IFISO oo u Hambelyeynaya Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya, isla markaasna ka Baaraandegaya Caqabadaha Jira iyo Tallaabooyinka Horay loo Qaadayo

September 12, 2012

Isbaheysiga Madaxabannaan ee turxaan bixinta Soomaaliya (IFISO) ayaa ugu hambalyeynaya Xasan Shiikh Maxamuud doorashada uu maalintii Isniinta Barlamaanku ugu doortay in uu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya.

IFISO oo tixgalineysa fursadda taariikhiga ah ee aan caadiga aheyn ee la siiyay Xukuumadda Federalka ah ee Soomaaliya ayaa ku borrineysa in la soo afjaro taariikhda Soomaaliya ee ku dhisan shaqaaqada, musuqmaasuqa iyo la-xisaabtan la’aanta iyadoo ka dhowreysa hoggaanka Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud inuu saxo goldaloolaha Dhammaadka Ku-meel-gaarnimada.

Waxay IFISO ka xuntahay in iyadoo ay jireen dadaallo faro badan oo u gogol xaarayay heshiisyada Dhaammaadka Ku-meel-gaarnimada ee dalbayay in dhammaan Xubnaha Baarlamaanku ay muujiyaan xushmada ay u hayaan xuquuqda aadanaha, haddana loo dhaariyo Xubinnimo Baarlamaan shaqsiyaad ay soo celiyeen Guddiga Farsamo ee Xulitaanka. Waxaa intaas dheer jabinta shardigii ahaa in Xubnaha Baarlamaanka 30% ay noqdaan haween.

IFISO waxay ugu yeereysaa Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud inuu wax ka qabto dhaliilahaas asagoo u xulaya haweeney u qalanta xilka Raiisul-Wasaaranimada, kuna adkeysanaya in xulitaanka Golaha Wasiirada 30% ay noqdaan haween.

Waxaa intaas dheer in xubnaha Golaha Wasiiradu ay noqdaan kuwa aan ku luglahayn dambiilenimo iyo ku-takrifalka hantida dadweynaha, isla markaasna leh xirfadaha loo baahanyahay iyo niyadda iskaashiga lagama maarmaanka u ah adkeynta guulaha Dhammaadka Ku-meel-gaarnimada.

SOO IFBIXII IFISO

Isbaheysiga Madaxabannaan ee Turxaanbixinta Soomaaliyeed, IFISO, wuxuu ka kooban yahay wakiillo ka tirsan qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, waxaana si mutaddawacnimo ah gaacan u siiya hay’adaha xuquuqda aadanaha qaranka iyo kuwa dowli ah, warbaahinta, dhaqdhaqaaqyada bulshada, bulshada rayadka ah iyo khubaro kale. Waxuu Isbaheysigu ku midoobay inuu si madaxbannaan ula socdo hannaanka Dhammaadka Ku-meel-gaarnimada si loo xaqiijiyo in hoggaamiyaasha dagaalka, kuwa geystay dambiyada dagaalka, iyo kuwa loo nisbeeyay xatooyo xoolo dadweyne aysan ku guuleysan qabashada awood siyaasadeed dhammaadka xilliga Ku-meel-gaarnimada.

Waxaa IFISO lagu tagay Muqdishu 31/ 07/2012 ayada oo ay ka soo qeybgaleen wakiillo farabadan oo matalayey bulshada rayadka Soomaaliyeed. Danley badan oo isugu jira Soomaali iyo beesha caalamka ayaa aqoonsaday howsha IFISO iyo doorka ay ku leedahay dhiirrigalinta cad-caddaanimada iyo la-xisaabtanaka Xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed ee cusub.

Si aad u hesho warar dheeraad ah:

Fadlan booqo: http://www.ifiso.net ama la xiriir

? Faarax Maxamed Cali, Sarkaalka Wararka ee IFISO: ifiso@ifiso.net

? Shamso Xasan Saciid, Wakiilka Yurub iyo Bariga Dhexe +31 628 313 518
? Maryan Xuseen Awreeye – Wakiilka North America +1 612 532 6304
? Xasan Shire Shiikh, Guddoomiyaha IFISO at +41 79 33 75-8-75

==========================================

12 September 2012
IFISO Vetting Coalition Congratulates New Somali President, Takes Stock of Challenges and Way Forward

IFISO Independent Vetting Coalition congratulates Hassan Sheikh Mohamoud on his election as President by Members of Parliament Monday. Recognizing the extraordinary and historic opportunity afforded by the new Federal Government of Somalia, IFISO calls for a break with the history of violence, corruption, and impunity in Somalia and looks to the leadership of President Sheikh Mohamoud to rectify the shortcomings of the End of Transition period.

Despite robust advocacy efforts premised on the End of Transition agreements requiring all Members of Parliament to demonstrate respect for human rights, IFISO regrets the swearing-in of Members of Parliament rejected by the Technical Selection Committee. In addition the requirement that 30% of Members of Parliament be female has failed to be realized.
IFISO calls upon President Sheikh Mohamoud to mitigate these shortcomings through the selection of a qualified female for the post of Prime Minister as well as insisting on meeting the 30% female representation requirement through the forthcoming appointment of a Council of Ministers.

Furthermore, members of the Council of Ministers must be free of links to criminality and misuse of public resources, and represent the requisite skills and spirit of cooperation needed to consolidate the successes of the End of Transition.

For more information please contact:

Farah Mohamed Ali, IFISO Press Officer at ifiso@ifiso.net
Shamso Hassan Said, Europe and Middle East Representative +31 628 313 518
Maryan Hussen Owreeye – North America Representative +1 612 532 6304
Hassan Shire Sheikh, IFISO Chair +41 79 33 75-8-75

 

7 Akhrisatay

Leave a Comment

Design by Mohamedia

© 2012 Kashife Online

fffffffffff
Scroll to top