Xubno ka mid ah dadkii lagu muransana inay Baarlamaanka ka mid noqdaan oo maanta la dhaariyay
Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Soomaaliya Professor Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa sheegay in sagaal ka mid ah xildhibaano hore loogu murmay ka mid noqoshadooda golaha baarlamaanka dalka maanta la dhaariyay.
Arrintaasi, waxay ka dambeysay ka dib markii guddigii loo saaray dhameyta muranka la galiyay xildhibaannadaasi ay shaaciyeen in xubnahan ay sharci u leeyihin ka mdi noqoshada baarlamaanka.
Xubnahan oo ubadan hogaamiyayashii dagaalka, ayaa sidoo kale kal hore u xugmisay inay baarlamaanka cusub ka mid noqdaan maxkamadda sare ee dalka.
Wixii warar ah ee ku soo kordha arrintan kala soco Kashife Online
