Maamulka Dhaqaalaha Soomaaliya ee Beesha Caalamka; Sax Mise Qalad?
Faallo: Hadalka ka soo baxay xafiiska Q.M u qaabilsan arrimaha Somalia ee ah in guddi caalami oo wada jir ah ay maamuli doonaan dhamaan dhaqaalaha soo gala dalka Somalia waa arrin muujinaysa in aysanba jirin kalsooni lagu qabi karo madaxda Somalida maadaama ay noqdeen ‘dhurwaa hilib u dhiibo’ oo aan lagu haleyn karin hantida shacabka Soomaaliyeed.
In guddi caalami ah ay maamulaan hantida Somalia waxa uu qeyb ka ahaa heshiis lagu gaaray shirarkii London iyo Turkiga oo ay madaxda Somalida qalanka ay ku duugeen, laakiin suáasha la isweydiinayo ayaa ah masuuliyiinta Somalida diyaar ma u yihiin in laga wareejiyo maamulka hantidii xisaab laáanta ay jeebka isaga shubanayeen? Jawaabta xageyga iyo dad badan oo ila fikir ah waa maya.
Aan soo qaadano madaxweynaha sii dhacaya ee dowlada KMG Sharif Sheekh Axmed, isagu mar aan sii fogeyn oo bishii hore ah ayuuba khudbad uu jeediyey ku beer-laxowsaday umadda Soomaaliyeed oo uu ku sheegay inaan la aqbali Karin in dhaqaalaha dalka ka soo gala gudaha iyo dibada ay maamulaan guddi caalami ah.
Dhinaca marka la eego, waa arrin sharaf iyo sumcad daro ku ah madaxda Somalida in lagu yiraahdo ‘raali ahaada, la idinkuma aamini karo gurigiina’ hase ahaatee haddii la qiimeeyo waxa mudaba soo socday ee ah in hanti qaranka uu lahaa dano gaar ah lagu fushado waa mid danta shacabka ay ku jirto in dhaqaalaha dalka ay maamulaan guddi caalami ah oo xisaabtooda ay cadahay.
Kuma eka intaasi oo keliya ee beesha caalamku waxay ka arrinsanayaan talaabada ay muteysan karaan madaxdii Soomaaliyeed ee dhowaan ay ku soo baxday fadeexadii hanti lunsashada, taasoo sidoo kale digniin culus u noqonaysa in madaxda musqabalka ay iska ilaaliyaan wax umada Soomaaliyeed ay leedahay ama loogu deeqay.
Runta waxa ay tahay Somali waxa ay u baahan tahay waxa weeye inay helaan hogaan wanaagsan oo horseedi kara cadaalad buuxda iyo in qofka kasta uu helo xaq uu u leeyahay nabad, nolol, shaqo iyo caafimaad.
By. Mohamed A Farah
mfarah_10@hotmail.com
———————————————————–
FG: Kashife Online waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan Kashife Online.
