3 sano ayaa ka soo wareegatay geeridii ENG Maxamed Xuseen Caddow, Maxaad ku xasuusata!!
ALLAHA u raxmadee 19-kii June 2009 maanta oo kale waxa degmada Kaaraan ee gobalka Banaadir ku dhintay Eng. Maxamed Xuseen Caddow oo ka mid ahaa mudanayashii baarlamaanka Soomaaliya, kadib dagaal ka dhacey degmada Kaaraan kaas oo u dhaxeeyay ciidamo ka tirsan dowladda kmg ah iyo kooxda Al-shabab xilli uu xildhibaanku dhulkiisa ka difaacayay maleeshiyada Shabaab ee deegaanada Soomaaliyeed ku soo duushey.
Eng. Caddow oo ka mid ahaa xubnihii ugu firfircoonaa ee aqoonyahanka baarlamaanka Soomaaliya, ayaa xilli galab ah maanta oo kale dagaal ka dhacay meel u dhow hoygiisa oo ku yiil degmada Kaaraan ku dhintay, ka dib markii tiro badan oo ka mid ah maleshiyada Al-shabab weerar dhinacyo badan oo ay ku jiraan dhinaca badda ah kaga soo qaadeen degmada Kaaraan waagaas.
Wasiirkii hore ee warfaafinta Md. Farxaan Cali Maxmuud, ayaa sheegay in Al-shabab ay dagaal yahano badan oo ajaaniib u badan weeraro gaadmo ah degmada ku soo qaadeen gaar ahaan dhinaca baddana ay ka soo galeen halkaasina dad fara badan ay ku laayeen.
Mid ka mid ah odayaashii dhaqanka ee beesha ALLAHA u raxmadee xildhibaan Eng. Caddow ka soo jeeday, islamarkaasina ka mid ahaa dadkii aasay xildhibaanka, ayaa sheegay in Eng. Caddow iyo mid ka mid ah ilaaladiisa ay dagaalka ku dhinteen xilli ay deegaankooda ka difaacayeen Al-shabab.
Inkastoo aanay helin Engineer Caddow iyo ragii isaga la midka ahaa gurmadkii ay u baahnaayeen iyo taageeradii, ayuu haddana odey dhaqameedka oo magaciisa diidey in la shaaciyo sheegay inay sharaf u aheyd in uu xildhibaanka shahiido isagoo xiran dareyska ciidanka dalkiisana ka difaacaya soo duulayaasha sida lagu yaqiinba xildhibaankaasi dhintey Eng Maxamed Xuseen Caddow.
19-ka June 2009 oo ahaa maalintii uu dhintey Eng Caddow, sidoo kale waxay sii xoojisay xanuunkii umaddu ay qabeen kaas oo ahaa dhimashadii is xig xigtey ee wax garad Soomaaliyeed iyo siyaasiyiin lagu laayay, ka soo bilow 17-kii June isla sanadkaas waxa Muqdisho lagu diley dagaal ka dhacay degmada Hodan taliyihii ciidamada booliska gobalka Banaadir Marxuum Cali Saciid Cawaale, maalintii xigtay ee 18-kii June waxa sidoo kale Baladweyne lagu xasuuqey wax garad fara badan, siyaasiyiin iyo saraakiil ciidan oo ay ka mid ahaayeen wasiirkii ammaanka ALLAHA u raxmadee Cumar Xashi Aden, danjirihii Somaaliya ee Itoobiya Marxmuum C/kariim Farax Laqanyo, iyo dad kale oo badan, waxana dhimashadoodi ay ka dambeysay markii ruux isa soo miidaamiyay uu isku qarxiyay meel ay dadkaasi ku shirayeen.
Xasuuqyadaasi dhacayna waxa ku faanay maleeshiyada Al-shabaab.
Meelo badan oo adduunka ka mid ah oo ay waxgaradka Soomaaliyeed joogaan, ayaa maanta oo kale lagu qabtaa baroor diiq lagu xasuusanaayo dadkii wax galka ahaa ee u dhintay difaaca dalkooda.
Hadafkii ay lahaayeen marxumiintaasi dhintayna, waxa maanta muuqda qeyb ka mid ah in laga gun gaaray, oo deegaano badan oo Shabaabku ay xoog ku qabsadeenna dib looga saaray, islamarkaasina yadaddiilo wanaagsan ay ka muuqaneyso deegaanadaasi oo Muqdisho, caasimadda dalka ay ka mid tahay.
Mohamed Abdi Nur
Kashife Online
