You Are Here: Home » Faallo

Madaxweyne Obamow Ka Deji Kabahaaga Miisaskii Boqorada Victoria (Daawo Sawiro Yaab badan Habdhaqanka Obama)

Wargeyska Maalin laha ah ee Daily Mail oo ka soo baxda dalka Britain ayaa si kulul u dhaleecaysay hab dhaqanka, madaxweynaha Maraykanka Barack Obama gaar ahaan qaabka uu u fadhiisto, waxaanu wargeysku soo daabacay tobanaan sawir oo madaxweynaha laga qaaday wakhtiyo kala duwan, kuwaas oo muujinaya isaga oo qaska u fadhiya, labadiisa lugoodna inta uu dhidhiibsaday miis dul dhigtay. Daily Mail oo qoraalkeedan ...

Read more

Dilka Saxafiyiinta Somaliyeed iyo Canbareynta Aan Ficilka Lahayn Ee Dowlada!!!?

Inta la hubo tan iyo burburkii dalka waxaa meesha ka baxay nidaamkii iyo xushmadii uu lahaa wariyaha somaliyeed, sidoo kale waxaa bilaabmay ugaarsiga saxafiga somaliyeed haba ugu darnadeen shanti sano ee u danbaysay oo in ku dhaw konton saxafi ay naftooda ku waayeen, qaar ay ku dhawacmeen halka inta soo hartayna ay dalka ugu baxeen banaanka, qaxootinimo iyo darxuma ay ku heesato wadamadii ay maciin bideen. ...

Read more

Dhalashadii Soomaaliya iyo dowladdii Aaden Cabdulle Cismaan (Aaden Cadde)

Aaden Cabdulle Cismaan Aaden Cadde, waxa uu ahaa madaxweynihii ugu horeeyay ee Soomaaliya ay yeelato, isagoo dalka hoggaaminayay muddo 7 sano ah, gaar ahaan intii u dhaxeysay sanadkii xurnimada aynu qaadannay ee 1960-kii illaa iyo 1967-dii. Aaden Cabdulle, waxa uu xilka ku wareejiyay 1967-dii Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharma'arke oo loo doortey madaxweynaha Jamhuurriyadda ka dib doorasho dhacday. Waxa uu ...

Read more

Mukhtaar Lucky Muxuu ka yiri Fanaanadda Zuhuur Axmed

Iyadoo Fanka Soomaalida uu ahaa Baryihii danbe mid ay si weyn ugu soo badanayaan Dhalinyarada jecel in ay hesaan ayaa waxaa lagu arkay Maalmihi ugu danbeyey Bulshada Fanka dhexdeeda wax ka yaabiya kadib markii Mid ka mdi ah Gabdha is ka jeclaaday in ay heesaan ay ku kacday wax aan marnaba ku fiicneyn dhaqanka dadka Soomaaliyeed.   Gabadha lagu magacaabo Zuhuur Axmed oo ka mid ah heesaayaasha dhawaan Fanka k ...

Read more

Hoggaamiyihii ugu weynaa burcad badeedda gobollada dhexe & asxaabtiisa oo ka tanaasulay burcad-badeednimada (Dhageyso)

Maxamed Cabdi Xasan “Af-weyne” oo ahaa hoggaamiyihii burcad badeedda ee gobollada dhexe ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyay inay asaga iyo kooxdiisa ka tanaasuleen falalkii burcad badeednimada ee ay ku howlanaayeen. Af-weyne oo wareysi gaar ah siiyay Bar-kulan wax yar kaddib mar uu shir jaraa’id ku qabtay magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Ximan iyoo Xeeb ayaa sababta keentay tanaasulka ku tilmaamay inay ...

Read more

Warbixin ku saabsan dhacdooyinkii Waaweynaa ee Sannadkii hore 2012-kii ka dhacay Gudaha dalka Soomaaliya

Sannadkii hore ee 2012 waxaa gudaha dalka Soomaaliya ka dhacy  dhacdooyin kala duwan oo isugu jiray kuwo murugo reebay iyo kuwo farxadeed, iyadoo sannadkii hore la dilay 18 wariye oo ka howlgalayay warbaahinta dalka, kuwaasoo intooda badan lagu dilay magaalada Muqdisho. Waxyaabaha sida weyn loo xusuusan karo ayaa waxaa ka mid ah inay dhalatay dowlad rasmi ah oo ay Soomaaliya yeelato 22 sano oo colaado ah ka ...

Read more

Weriye Cabdirashid Rashka oo magangalyo u soo raadsaday Yurub

Cabdirashid Cabdi Axmed (Rashka) oo ak mida weriyayaasha ugu caansan ee ka howlgeli jiray magaalada Muqdishu ayaa halkaasi isaga soo cararay ka dib markii u adkeysan waayey xaalada amaandaro oo isaga soo wajahday, taasoo qeyb ka ah ugaarsiga mudooyinkii ugu dambeeyey lagu hayey suxufiyiinta Somalida ee ku nool bartamaha iyo koonfurta Somalia. Abdirashid ayaa la sheegay inuu gaaray meel ka mida wadamada Scad ...

Read more

Maanta waa 21/October waaa maalinkii uu dalka Somalia ka hirgalay kacaankii ciidamadu hogaaminayeen.

Maanta waa 21/October waaa maalinkii uu dalka Somalia ka hirgalay kacaankii ciidamadu hogaaminayeen. Hadaba waa muhiim in aan xasuusno Kacaankaas oo dalka Somalia ka hirgaliyay hormaro badan oo la taaban karo. Sidoo kale kacaankaas waxaa lagu eedayaa in uu kow ka ahaa bur burkii dalka. Hadaba aniga oo maanta Xusaya Maalintaan Taarikhiga ah aan ku hormaro wax qabadkii kacaanka. Ugu horeyn Maxamed siyaad Barr ...

Read more

Cabdisataar kale ayaa dhashay!

Ma dhinte waa Ilaah, qof kastana waqti ayaa dunida la keenaa, waana laga wadaa xilli aanay cidi-ogayn Rabbi mooyee. Doonista Alle ayay wax kasta ku dhacaan. Bini’aadamka waxba ma samayn karo amarka Alle la’aantiis, cidi ma dili karo, cidi ma noolayn karo, tiisana waxba uma galo, haddii aanu Rabbi ugu talagalin. Cabdisataar Daahir Sabriye wuxuu ka mid ahaa wariyeyaal saaxiibadeen ah iyo dad kale oo rayid aha ...

Read more

Faallo:-Ganacsiga Soomaalida South Sudan iyo Suuqa Madow

Tan iyo markii ay burburtay dowladii dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991 wixii ka danbeeyay soomaalida waxaa la soo gudboonaaday marxalado adag oo hadana kala duwan isla markaana saameeyay umadda oo dhan laga soo bilaabo caasimad, gobol ilaa miyiga, taas oo laga dhaxlay dowlad la,aanta iyo dagaalada. Dhibaatooyinkaas la soo maray oo qaar ka mida ay wali jiraan ka dib mudo ka badan 20 sano, ayaa Soomaalidu wax ...

Read more
Design by Mohamedia

© 2012 Kashife Online

fffffffffff
Scroll to top